U bood dhigaalka

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Oo Xafiis Ka Furanaya Kismaayo

Sheeko:Dalka

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ka bilaabay soo xulista xubnaha guddigan ku matali doona deegaannada Jubbaland.

Xaliimo Ismaaciil Yarey oo ah guddoomiyaha guddigan ayaa u sheegtay warbaahinta in shaqada ay hadda u tageen Kismaayo tahay in xafiiskooda Jubbaland furtaan, islamarkaana ay qaadayeen Labadii cisho ee lasoo dhaafay Imtixaannada.

Saddex qof ayeey sheegtay in hadda ay qaateen, islamarkaana ay wadaan diyaarinta xafiiskii ay ku shaqeyn lahaayeen.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News