U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Maanta  Hor Imaanaya Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya hor iman doona guddiga doorashooyinka qaranka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Yarey oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegtay in kulankan uu daba socdo warbixin ay todobaadkii hore siiyeen aqalka, isla markaana lagu ballan-sanaa in su’aalo la weydiiyo guddigan marka ay Xildhibaannada warbixinta soo akhristaan.

Guddiga Doorashooyinka qaranka ayaa soo gudbiyay sida loo gaari karo doorasho qof iyo cod ah 2021, nooca doorasho ee u fiican Soomaaliya, sharciyada ay tahay in la meermariyo sida doorashooyin u dhacaan 2021-ka iyo arrimo kale.

Wararka kulanka ka soo baxa, Kala soco, Goobjoog News