U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Beeniyay in Xogtii Doorashada 2017 ay Ka Luntay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay iney jiraan xogo la masaxay oo ka tirsan tan ay hayaan ee lagu galayo doorashada madaxtinimo ee Somaliland bisha March 2017.

Guddoomiyihu waxa uu aad u beeniyay wararka sheegaya in la masaxay xogaha guddiga ee doorashooyinka, waxaanuu yiri;

“Komishinka Doorashooyinka Qaranku waxuu caddeynayaa inaaney jirin wax xog ah oo ka luntay komishinka doorashooyinka qaranka ama laga xaday ama la masaxay haba yaraatee ma jirto, cidda la tuhunsan yahay oo shaqaalah ka mid ah oo falkaa ku kacdayna ma jirto, hadday tahay kuwii hore ee aan fasaxnnay iyo hadday tahay kuwan dambeba”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay; “Xogaha ku jira diiwaangelinta lama masixi karo, lama furan karo, lagumana isticmaali karo Kombiyuutarro kale, taana halkaas ayaanu ka caddeyneynaa, xogtaasi waa xog qaranku leeyahay, waxaana gacanta ku haya Komishinka doorashooyinka qaranka”.

Komishanka doorashooyinka ayaa sheegay iney sharciga la tiigasan doonaan dadka caadeystay iney warar been abuur ah ka sameeyaan xogaha uu guddigoodu u hayo Somaliland ee la filayo in lagu galo doorashooyinka soo aaddan.

Xogaha uu guddigani hayo ayaa ah mid Elektaroonig ah oo dadka haysta kaararka codbixinta xogtoodii lagu keydiyay kombiyuutarro si heersare ah loo diyaariyay, kharashaad farabadanna lagu bixiyay.

Dhawaanahay ayaa waxaa soo baxay warar lagu durayo guddiga doorashooyinka oo la leeyahay waxay u janjeeraan dhanka xisbiga Kulmiye, kadib markii guddigu uu shaqada ka fariisiyay 30 shaqaale xirfadle ah oo ahaa kuwii ugu tayada fiicnaa 8 bishan October, taas oo dhalisay shaki farabadan iyo suurtogalnimada ah in doorashada lagu shubto.

Goobjoog News