U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Maanta Bilaabaya Bixinta Kararka Codbixinta

Sheeko:Amniga

Komishinka doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in maanta ay si rasmi ah u bilaabanayso diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo qeybinta Kaararka, laakiin guddigu ma cadeynin waqtiga rasmiga ah ee ay dhacayso doorashada, iyadoo Kumishinku uu hore u sheegay in muddo 9 bilood ah ay ku qaban doonaan doorashooyinka.

“Koomiishanka doorashoyinka Somaliland wuxuu ku wargalinayaa dhamaan dadkii ka qaybqaatay diwaangalinta codbixiyayaasha 2022/2023 in kaar qaybinta codbixiyayaashu ay si rasmi ah uga bilaabmi doonto Somaliland 31, May, 2023, waxayna socon doontaa 10 maalmood ayaa lagu yiri” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Kumishinka.

Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo kuwa mucaaradka ah wali heshiis cad kama gaarin doorashada iyo sida ay u dhaceyso intaba, waxaana sidoo kale khilaaf ka taagan yahay doorashada madaxtooyada iyo ururrada midda la hor marinaayo, mucaaradka ayaa dalbaday in madaxtooyada la hormariyo, halka xukuumaddu ay rabto ururrada.

Doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka taagnaa khilaaf xooggan, waxaana la ogeyn sida ay mucaaradku ugu hoggaansamayaan doonitaan xukuumadda madaxweyne Biixi, waxaana xusid mudan in hore dibadbaxyo muddo kordhin lagu diidanaa ay ku geeriyoodeen shacab iyo askar, kadib magaalooyinka qaarkood.

Goobjoog News