U bood dhigaalka

Guddiga Doorayada Madaxweynaha Galmudug

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka cusub ee dowlad gobaleedka Galmudug oo yeeshay kulankoodii labaad kala fadhigii kowaad oo ka qabsoomay xarunta Baarlamaanka dowlad gobaleedka ee Shiirkole ee magaalada Dhuusamareeb,waxaana shir goddoominaayey guddoomiyaha golaha wakiilada Maxamed Nuur Gacal, waxaana goobjoog ahaa labadiisa ku-xigeen.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa isbarashada xildhibaannada, isxogwareysi  iyo sidoo kale ku dhawaaqista guddiga  doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobaleedka Galmudug waxaana madasha  goobjoog ahaa 74 Xildhibaan.

Sidoo kale guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka kooban  13 xildhibaan kuwaas laga xulay Baarlaamka dhexdiida waxaana meel mariyey joogay  62 xildhibaan waxaan diiday 8 xildhibaan halka kala fadhiga ay ka maqnaayeen 4 xildhibaan.

Dhanka kale markii ansixintu soo idlaatay ayaa Xoghayaha Baarlamaanka doowlag gobaleedka Galmudug  Sayid Cali Cumar Xirsi, warbaahinta u aqriyay magacyada 13 –ka xildhibaan ee loo soo xolay in ay noqdaan guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Galmudug.

  • Xildhibaan Maxamed Mire Axmed.
  • Xildhibaan Cabdi raxmaan Axmed Cigaal.
  • Xildhibaan Xasan Xirsi Xaashi.
  • Xildhibaan Mursal Maxamed Yuusuf.
  • Xildhibaan Cabdulqaadir C/llaahi Maxamed.
  • Xildhibaan Shaacir Sheegoow Maxamed.
  • Xildhibaan C/raxmaan Cali Maxamuud.
  • Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahlil.
  • Xildhibaan Axmed C/risaaq C/llaahi.
  • Xildhibaan C/llaahi Abuukar Cali.
  • Xildhibaan Muxiyadiin Sheekh C/llaahi.
  • Xildhibaan Mahad Jilac Warsame.
  • Xildhimaan Amal Axmed Cabdulle.

 

Ugu danbeyn ayadoo lagu dhawaaqay guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa jiray Musharaxiinta ay horay ula kulmeen guddoonka Baarlamaanka ayaga oo ku wargaliyey in la siiyo waqti ay ku soo muujiyaan ololahooda doorashada.