U bood dhigaalka

Guddiga Duulimaadyada  Rayidka Ee Soomaliyeed Oo ka Warbixiyay Howlaha Ay U qabtaan Bulshada

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Guddiga duulimaadka rayidka ah Xasan Xaashi Maxamed oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu ka warbixiyay adeegyada ay qabtaan  isagoo sheegay in guddiga ay hubiyaan diyaaradaha Rayidka oo yimaada maagalada Mugadishu “Guddiga waxay qabtaan hawlaha duulimaadyada kuwaas oo ah hawlo baahsan oo kala duwan, markastana waxay wax ka qabtaan baahida hortaallo”.

Xasan Xaashi ayaa waxa uu guddoomiye u yahay shrikadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda oo isku tagay isagoo sheegay in shrikadahaas ay iska leeyihiin  ganacsato Soomaaliyeed, isagoo timaamay inay bulshada ay si fuhnaani ay ku dheehantahay ay ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Shirkadaha duulimaadyada  ee ka hawlga waddanka ayaa qaarkood waxaa laga soo kireeyaa wadamada ku yaallo Markanka iyo Yurub halka kuwa kalana laga soo iibiyo qaaradaha Aasiya iyo Africa .

Diyaaradaha ayaa waxay fududeeyeen isku socodka magaalooyinkii kala fogaa barisimaadkii kuwaas oo dadka ku qaadan jirtay safar dheer oo loo sii socda maalmo badan, balse hadda safarkii dheeraa wuu ka baxay meesha sida ay u yimaadeen  gaadiidka diyaaradaha.

Shirkadaha duulimaadka ee hadda ka jira waddanka ayaa waxaa gacanta ku haya maamulkooda dad Soomaali ah, waxayna qeyb weyn ka qaateen horumarka dalka .

Goobjoog News,