U bood dhigaalka

Guddiga FEIT oo Digniin u Diray Xubno Ka Tirsan Guddiga

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka FEIT ayaa digniin u diray xubha ka tirsan guddiga, heer federalka, waxaana loogu baaqay in xubnaha guddiga ay ka gaabsadaan in ay qaadaan tallaabo aan waafaqsaneyn go’aannada, cidaas loo aqoosan doono kuwa caqabad ku ah hannaanka dhamaystirka doorashooyinka oo heer gabgabo ah maraya.

“Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal FEIT waxaa uu baaq u dirayaa xubin walba oo guddigan FEIT ka tirsan oo qaada talaabo aan waafaqsaneyn go’aankii guddiga ee kor ku xusan ay ku sifoobi doonaan kuwo caqabad ku ah hanaanka geedi socodka iyo dhameystirka doorashooyinka, cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda iyagu qaadi doonaan.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga hirgelinta FEIT.

Go’aanka kuddiga kasoo baxay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maanta maxkamadda sare ee dalka ay diiday qaadista dacwad Fahad Yaasiin uu ka gudbiyay guddiga FEIT, waxaana maxkamaddu cadaysay in maxkamadda aysan lug ku leyn kiiskaas, iyadoo ku raacday Garyaqaanka guud dowladda hadalkii uu ka jeediyay maxkamadda.

Goobjoog News