U bood dhigaalka

Guddiga Gurmadka Abaaraha Oo Baaq u Direy Dadka Ku Sugan Gobollada Dalka

Sheeko:Dalka

Guddiga gurmadka qaran ee abaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobollada ay ka taliyaan maamul goboleedyada ineysan deegaannadooda ka tigin, islamarkaana meeshooda gurmad loogu sameynayo.

Cabdi Axmed Baafo oo ah xubin ka tirsan guddiga gurmadka abaaraha ayaa u sheegay Goobjoog News, in maamullada loo geeyey qarashaad loogu talo galay in si horudhac ah loogu gurmado, dadkana looga baahan yahay in ay ka war sugaan maamulladooda.

Maamullada dhan ayuu sheegay guddiga in loo dhiibay lacag dhan 150 kun oo doolar, taasi oo la doonayo iney go’aan ku gaaraan waxa ay shacabka ugu gurman karaan.

Baafo ayaa sidoo kale sheegay in guud ahaan maamullada laga doonayo iney sameeyaan xisaab celin, si loo ogado wixii ay ku bixiyeen qarashkii loo dhiibay.

Guud ahaan dalka waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, welina ma aaney helin gurmadkii loo baahnaa.

Goobjoog News