U bood dhigaalka

Guddiga Gurmadka Abaaraha Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay

Sheeko:Dalka

Magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka Waqooyi Galbeed waxaa maanta gaaray guddiga gurmadka abaaraha oo deeq lacageed u waday dadku abaartu ku hayso deegaannada Somaliland.

Xubnaha wafdigan waxaa garoonka Hargeysa kusoo dhaweeyay wasiirro ka tirsan Somaliland, guddiga abaaraha Somaliland iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay aad uga mahdcelinayaan dadaalka xooggan ay muujiyeen guddiga abaaraha dalka oo gurmad degdeg ah halkaasi la tagay.

“Waftiga qiimaha badan leh ee halkaan jooga dhammaantood waxaan kusoo dhaweynayaa anniga oo ku hadlayaa afka guddiga heer qaran ee uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud waan ku faraxsanahay sida qiimaha badan ee ay ugu soo gurmadeen dadkaan walaalahood ah” ayuu yiri Wasiir Khaliil.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo isna ka mid ah xubnihii maanta ka amba baxay magaalada Muqdisho oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ay ka xunyihiin inay kasoo daahaan waqtigii loo baahnaa, hadane ay yimaadeen oo taageero la garab taagan yihiin walaalahooda dhibban.

Guddoomiyaha guddiga gurmadka Abaaraha Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa isna dhankiisa sheegay in waajib uu ka saaran yahay inay u gurmadaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibban deegaannada Somaliland.

Guddigan maanta gaaray magaalada Hargeysa ayaa wada lacag dhan 1-milyan oo doolar, taasi oo qeyb ka ah gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu ku habsatay.

Deegaanno badan oo dalka waxaa ka jirta abaar baahsan oo sababtay dhimashada dad iyo duunyo.

Goobjoog News