U bood dhigaalka

Galmudug: Guddiga Gurmadka Abaaraha Oo Ka Deyriyey Xaaladda Nololeed Ee Ka Jirta Deegaannada Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Gudiga Gurmadka abaaraha u qaabilsan maamulka Galmudug ayaa sheegay inay kasii dareyso xaaladaha nololeed ee ka jirta deegaannada maamulkaasi.

Gudoomiyaha Gudiga abaaraha maamulka Galmudug Shire Xirsi Maxamuud oo wareysi siiyay Goobjoog ayaa sheegay inay diiwaan geliyeen in ka badan 70 kun oo qoys kuwaas oo ku xoola beelay abaarta islamarkaana kusoo xarooday  magaalooyinka si ay nolol uga raadsadaan.

Waxa uu sheegay guddoomiye Shire haddii aan dadkaan degdeg wax loogu qaban in waxa la sugo ay tahay kaliya macluul.

“Dadku xaaladooda aad bay uga sii dareysaa, waxaan idiin sheegeynaa in dadkaan ay u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh, dadku markii uu xoolo beelay magaalooyinka ku dhow ayuu kusoo cararaa, qoysaskii deganaa ayeey dul tageen, xaaladduna wey ka dartay, waxa wixii hadda ka dambeeya ee la sugaa waa macluul” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale Goobjoog ayaa guddoomiye Shire Xirsi wax ka su’aashay eedeyn dhowaan ay usoo jeediyeen shacabka ku dhaqan Gelinsoor, taasi oo ku aadan in guddigan uu musuqay gargaar dadkaasi la siin lahaa.

Waxa uu sheegay Mr. Xirsi in iyadoo marqaati laga wada yahay ay gudbiyeen dhammaan wixii ay xaqqa u lahaayeen shacabka Gelinsoor, balse khilaaf dhexdooda ah oo jira ay kusoo leexanayaan guddiga gurmadka abaaraha ee Galmudug.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada