U bood dhigaalka

Guddiga Gurmadka Abaaraha Oo Ku Wajahan Magaalada Hargeysa

Sheeko:Dalka

Guddiga Gurmadka abaaraha ayaa la filayaa in ay gaaraan deegaannada gobollada Waqooyi ee dalka iyaga oo ka degi doona magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed.

Guddoomiyaha guddigaasi Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in maanta oo Axad ah ay ku socdaan Hargeysa, si halkaasi ay u geeyaan lacago ay ugu talagaleen in logu gurmado dadka ay abaartu hayso.

Waxa uu sheegay Sheekh Nuur in shalay oo ay soo fariisteen Idaacadda Goobjoog ay bulshada Soomaaliyeed ka uruuriyeen in ka badan 30 kun oo doolarka Maraykanka ah.

“Gurmadka abaaruhu waa sidoodii, waxaan shalay fadhinay Goobjoog, in ka badan 30 kun ayaa la yaboohay, waxaan fariisan donnaa Talefishinnada Soomaaliyeed, si xoog leh baan rabnaa inaan howsha u dhaqaajinno, waxaan sidoo kale jira wafdi aan ka mid ahay ayaa Hargeysa aadaya, waxaan ka jawaabeynaa dhibaatada ka dhacday Somaliland, lacag badan badan baan u geynaynaa” ayuu yiri Sheekh Nuur.

Gobollada Waqooyi ee dalka waxaa ka jirta abaar baahsan, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News