U bood dhigaalka

Guddiga Gurmadka Abaaraha Oo Maamulka Somaliland Ku Wareejiyey 1 Milyan Oo Doolar

Sheeko:Dalka

Guddiga Gurmadka abaaraha ee shalay gaaray magaalada Hargeysa ayaa maanta lacag dhan 1 Milyan oo doolar waxay ku wareejiyeen maamulka Somaliland si loogu gurmado dadka ay abaartu ku habsatay ee ku sugan deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Waxay guddigan lacagta ku wareejiyeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Saylici, waxaana madashaasi goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kale oo Somaliland ah.

Guddoomiyaha guddiga gurmadka Abaaraha Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan isku gurmanayo, islamarkaana hadda ay muhiim tahay oo kaliya in lagu dadaallo sidii loo caawin lahaa dadka barakacayaasha.

Sheekha ayaa sheegay in meello badan oo Soomaaliya ka mid ah ay xilligaan ka jirto abaar baahsan una baahan waxqabad dhab ah.

Guddiga Gurmadka abaaraha ayaa shalay ka amba baxay magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed.

Goobjoog News