U bood dhigaalka

Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka: Lama Hayo Gurmad Ku Filan Dadka Kusoo Barakacay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Guddiga gurmadka abaaraha ee heer qaran ayaa sheegay in aan la hayn deeq ku filan dadka abaarta ay saameysay qaarkood ee kusoo barakacay deegaannada duleedka ka ah magaalada Muqdisho.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, oo kamid ah guddigan ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay kormeer ku tageen deegaanno badan oo duleedka Muqdisho ah, sida Km-13, Garasbaaley iyo kuwo kale.

Waxa uu sheegay iney soo arkeen dad badan oo aad u dhibaateysan, islamarkaana kasoo barakacay gobollada dalka ee abaarta aadka u saameysay.

Sheekha ayaa sheegay in weli aan la hayn gurmadkii loo baahnaa, islamarkaana waxa uu tilmaamay in qarashaadka ay hayaan oo yar awgeed aysan suuragal ahayn in guud ahaan gobollada dalka ay gurmad rasmi ah gaarsiiyaan.

Dalka waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, waxayna dadka u baahan yihiin gurmad isugu jira Raashiin, Biyo iyo Dawo.

Goobjoog News