U bood dhigaalka

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Oo Sheegay In Gargaar Geynayaan B/weyne

Sheeko:Dalka

Guddiga gurmadka qaran ee fatahaadaha ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyey, waxaana ay ka hadleen sidii loogu gurman lahaa shacabka ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaadda Wabiga Shabelle.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, ahna guddoomiyaha guddiga Mahdi Maxamed Guuleed oo warbaahinta lahadlay kulankooda ka dib ayaa sheegay in xubnaha guddigan ay is xog wareysteen, islamarkaana la bilaabayo u gurmashada shacabka.

Waxa uu sidoo kale sheegay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, in la sameeyey Xiisaabaad lagu soo hagaajiyo lacagaha yabooha ah.

Sidoo kale, waxa uu sheegay Mahdi in Khamiista soo socota ay magaalada B/weyne gaarsiin doonaan gurmadka ugu horreeya, si wax loogu qabto shacabka dhibban.

Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay deegaanno ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxayna shacabka u baahan yihiin gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News