U bood dhigaalka

Guddiga Gurmadka Qaxootiga Yemen Ee Puntland Oo Ku Baaqay In La Caawiyo Qaxootigaasi

Sheeko:Dalka

Guddiga gurmadka Qaxootiga Yemen ee ku sugan deegaannada Puntland ayaa ku baaqay in la caawiyo dadkaasi oo dalkooda dagaallo ay ka socdaan.

Sheekh Axmed Yuusuf Daad oo ah guddoomiyaha Guddiga gurmadka abaaraha Puntland  oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ka guddi ahaan ay wadaan dadaallo ay ku cawaaniyaan qaaxotiga Yemen ee ku sugan deegaannadooda.

Waxa uu sheegay in ay jiraan qaar ka mid ah dadka u dhashay dalka Yemen oo dib u laabtay, islamarkaana guddiga uu amba bixiyey, hase ahaatee ay jiraan qoysas kale oo ku sugan deegaannada Puntland.

Ugu yaraan 200 qoys oo Yamaniyiin ah ayuu sheegay guddoomiye Daad inay ku sugan yihiin deegaannada Puntland, islamarkaana ay u baahan yihiin dadkaasi in la caawiyo.

Shalay ayaa qoysaska Yemeniyiinta ah ee ku sugan Puntland waxaa loo qeybiyey Lacag ay iska soo uruuriyeen dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool.

Goobjoog News