U bood dhigaalka

Guddiga Ilaalinta Anshaxa Doorashada Madaxweynaha Oo Aan Weli Shaqo Bilaabin

Sheeko:Dalka

Xubno ka tirsan guddiga ilaalinta anshaxa iyo asluub-wanaagga ee doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya ayaa Goobjoog News u sheegey in guddiga aanu weli is baran, isla markaana aaney aqoon xilliga ay shaqo bilaabayaan.

Arrinta ayaa imaaneysa iyaddoo kala u bar uu marayo jadwalka loogu talagalay doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddiga sida uu guddoomiyaha baarlamaanka sheegey waxaa loo dhisey hubinta habsami u socodka, daah furnaanta iyo bedqabka lagu hirgelinayo geedisocodka doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddigan waxaa sidoo kale la doonayaa iney la xisaabtamaan baarlamaanka iyo guddiga doorashada madaxweynaha, iyaddoo ay shaqadooda sidaa tahay ayaan la ogeyn xilliga ay shaqo bilaabayaan iyo qaabka ay u shaqo bilaabayaan.

Waxaa xusid mudan in anshax ilaalinta aaney ku koobneen maalinta doorashada madaxweynaha ee la doonayo iney guddiga shaqeeyaan ka hor maalintaas si ay u hubiyaan hufnaanta iyo geedisocodka doorashada shakhsiga Soomaaliya hoggaamin doonta 4ta sano ee soo socota.

Goobjoog News