U bood dhigaalka

Guddiga Joogtada Ee Baarlamaanka Puntland Oo Go’aan Ka Soo Saaray Khilaaf Maamulkaasi Ka Taagnaa

Sheeko:Baarlamaanka

Iyada oo khilaaf uu u dhaxeeyay baarlamaanka Puntland iyo xukumadda madaxweyne Deni kaasi oo salka ku hayay cidda noqonaysa madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi marka ay dalka kawada maqanyihiin madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, ayaa maanta waxaa go,aan khilaafkaasi ka soo saaray guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada dowlad goboleedkaasi.

Guddiga go’aanka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in hanaanka dowlad goboleedka Puntland uu yahay mid baarlamaan ah islamarkaana awoodda ku simaha madaxweynaha ay ku soo laabanayso gudoonka baarlamaanka maamulkaasi.

Sidoo kale guddigan ayaa tilmaamay in uu jiro sharci sheegaya in aysan jiri Karin daruuf sababi kara in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay halmar dalka wada maqnaadaan.

Khilafkan ayaa ku soo aadaya xilli ay wada maqanyihiin madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Karaash, waxaana xukuumada iyo baarlamaanka ay isku qabteen cidda ku simaha noqonaysa.

Halkan ka akhriso go’aanka ay soo saareeb guddiga joogtada ah ee baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland.

Go’aanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland ee fadhigoodii 23.02.2020.

KUSIMAHA GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADU;

MARKUU ARKAY:- Dastuurka Dawladda Puntland Qodobada 2aad, 56aad, 81aad , 83aad iyo 132aad.

MARKUU ARKAY:- Xeerka Hab-maamuuska Dawladda Puntland ee Xeer Lr.5 ee 8/09/2005.

MARKUU ARKAY:- Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobka 8-aad farqadiisa 18-aad.

MARKUU TIX-GELIYEY:-Go’aankii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL Fadhigiisii 8-aad ee 23/02/2020.

WUXUU GUDDOOMIYEY:-

  1. In Hannaanka Dawladda Puntland uu yahay Baarlamaani, waxayna Golaha Wakiilladu awoodda Dastuurku siiyey ku doorteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka DPL.

2.Ma jiro Dastuur iyo Xeer jideynaya in labada mas’uul isku mar ka wada maqnaadaan dalka.

3.Sababkasta ha ku timaadee haddii ay labada mas’uul ay la soo gudboonaato arrinta ku xusan qodobka 2-aad waxay awoodda kusimaha Madaxweynuhu ku wareegaysaa Guddoonka Golaha Wakiillada sida ku cad qodobada Dastuurka & Xeerarka kor ku xusan.

4.Golaha Wasiiradu waxay xaq u leeyihiin in ay ka shiraan hawlaha ay u xilsaaran tahay Xukuummadu.

Goobjoog News