U bood dhigaalka

Guddiga Madaxa banaan Ee Xaduudaha Oo Ku Baaqay In Si Degdeg Ah Wax Looga Qabto Arrinta Beled-xaawo

Sheeko:War

Guddiga madaxa banaan ee xaduudaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka saarantahay mas’uuliyad sidii xal loogu heli lahaa xaaladda ka taagan Beled-xaawo.

Arrimaha ka taagan Beled-xaawo waxaa ay sheegeen guddiga in ay u baahantahay in wax laga qabto islamarkaasna aan laga aamusin .

Guddiga madaxa banaan ee xaduudaha ayaa soo jeediyey in dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ay si degdeg ay wax uga qabtaan arrinta ka taagan Beled-xaawo.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee xaduudaha Khaliif Cabdikarim ayaa sheegay in dhankooda ay wadaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaaladaha ka taagan degamada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

“Dowladda Soomaaliya waddanka iyadaa dowlad u ah sharciyo dhameystiran ayey heysataa, waxaa laga rabaa in ay ka soo baxdo kaalinteeda, maxaa yeelay dowlad waaye mas’uuliyad ayey qaaday, mas’uuliyaddaasna wax walba oo dhibaato ah iyada ayaa xallin karto”.

Xaaladda ka taagan Beled-xaawo ayaa weli aysan ka hadlin dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana jira dhibaatooyin ay geysanayaan ciidamada Kenya ee ku sugan halkaasi

Goobjoog News