U bood dhigaalka

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Xuduudaha Oo Sheegay Inay Xallinayaan Muran Xadeedka u Dhaxeeya Maamullada Qaar

Sheeko:Dalka

Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha Federaalka ayaa sheegay in  sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku xallin doonaan murannada la xiriira xuduudaha kuwaa oo u dhaxeeya maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood.

Guddoomiyaha guddigaasi Khaliif Cabdikariin Maxamed oo la hadlay Goobbjoog News ayaa sheegay in guddigooda dadaal badan ugu jiro sidii lagu xallin lahaa khilaafyadaasi, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in maalmaha soo aadan ay geli doonaan muran xadeedka ka dhaxeeya Koonfur Galbeed iyo Banaadir, Galmudug iyo Puntland.

“Waan ognahay meelaha la isku haysto, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir, Puntland iyo Galmudug, waxaan rabnaa dib u heshiisiin iyo in dadka lala fariisto oo qaabkaasi loo xalliyo, oo aan isku dhex wadno dib u heshiisiin iyo sohdin sameyn oo aan guddigeena noqon mid khilaaf keena” ayuu yiri guddoomiye Khaliif C/kariin.

Waxaa jiray muranno dhanka xuduudaha federaalka ah oo ka dhaxeeya maamullada dalka ka jira qaarkood  kuwaa oo u baahan in la xalliyo.

Goobjoog News