U bood dhigaalka

Guddiga Madaxabannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka oo Tababar u Furay Xubno ka Socday Maamulka Hirshabeelle

Sheeko:Dalka

Tababarkan oo ay soo qaban qaabiyeyn Guddigga madax bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka waxaa ka faa’iideysanaya xubno ka socda Maamulka Hirshabelle, waxaana lagu baranayaa Soohdin u Sameynta Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Daahfurka tababrkan kooxo hooleedka Soohdin Sameynta Hirshabelle waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga madax bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, Wasiirka arimaha Gudaha ee Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Guddiga madax bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa sheegay in u jeedka tababarkan loo qabtay ay tahay in la casriyeeyo Soohdimaha Goboladda dalka, isla markaana kulankan uu gogol xaar u yahay wadatashi guud oo dhanka Soohdinta ku saabsan oo ay yeelan doonaa Dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Hirshabelle Maxamed Cali Caadle  oo tababarka furay ayaa sheegay inay soo dhaweenayaan tababarkan, isla markaana ay la shaqeyn doonaan Guddiga madax bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka.

Goobjoog News