U bood dhigaalka

Guddiga Madaxabannaan oo Diiwaangeliyay Xisbiyo Kumeel Gaar ah

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shahaadooyinka KMG ah ee diwaangalinta siiyay 8 xisbi oo ku biiriya xisbiyadii GMDQ uu horey u diwaangaliyay,

GMDQ oo raacaya tilmamaha iyo talooyinka Cudurka Safmarka ah ee Covid-19 ayaa munaasabadda xisbiyada lagu sinayay shaadada u qabtay qaab online ah iyadoo uu GMDQ aaladda ZOOM- ka u adeegsiday qabsoomidda Munaasabaddaas.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil iyo Diwaangaliyaha Xisbiyada Guddiga Maxamed Cumar Axmed Xaydara ayaa ka qaybgalay munaasabadda xisbiyada lagu guddoon siinayay shahaadada ku meelgaarka ah.

8 xisbi ee maanta helay shahaadada kumeel gaarka ah ayaa kala ah.

– Xisbiga Bulshada Dimoqaardiga Soomaaliyeed.

– Xisbiga Nolosha iyo Cadaaladda.

– Xisbiga Walaalaha Midoobay.

– Xisbiga Tubta Horumarka iyo Nabadda.

– Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka.

– Xisbiga Soomalinimo.

– Xisbiga Cadaaladda Horumarinta Dimoqaraadiyadda iyo Isqadarinta.

– Xisbiga Badbaado Qaran.

Goobjoog News