U bood dhigaalka

Guddiga Qabaqaabada Doorashada Madaxweynaha oo Joojiyay Dooddii Musharraxiinta

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddiga Qabanqaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Xil.Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo maanta Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in doodda musharraxiinta ee dhanka Telfeshinadu u baaqatay cillad farsamo awgeed, gabi ahaanna ay ka soconayaan waqi yaraan darteed.

Dr.Baylo oo shir jaraa’id qabtay ayaa ugu horreyn ka hadlay habsami u sacoda howsha guddiga, waxa uuna yiri:

“Waxaan jeclahay inaan war kooban ka soo saarnno, anigoo ku hadlay codka guddiga doorashada madaxweynaha, haka aan mareynno maanta oo ah maalintii 5-aad ee aan ku dhex jirnay geeddi socodka doorashada, maanta waxay ahayd maalintii loogu talogalay musharraxiintu iney yimaaddaan halkan oo ay dadka la hadlaan oo ay kala hadlaan telefishinnada”.

Waxa uu ka hadlay Saddex qodob oo laga doonayay musharraxiinta doorashada ka hor:

“Sanadkan waxaa la siiyay musharraxiinta dhor arrimood iney sameeyaan si ay dadka ula hadlaan oo ay ula sheekaysaan oo ay su’aalo ka jawaabaan, su’aalo dalkeenna iyo dadkeenna ku saabsan oo meelo badan taabanaya iney ka hadlaan oo ay ka jawaabaan ayay ahayd, waxaa ku xigtay in Cilib yar oo Shan mirir ah kusoo hadlaan oo soo keenaan oo loo xayaysiiyo oo TV-ga inta loo dhiibo oo dadka Soomaaliyeed la wadaagaan waxa fikraddooda iyo aragtidoodu tahay iyo dalkan dhibaatada uu ku jiro sida uu uga baxayo iyo sida uu hore loogu mari lahaa, ta saddexaadna waa khudbadihii ay ka jeedinayeen baarlamaanka oo maalmaha foodda inagu soo haya ay jeedin doonaan, saddexdaa arrimood ayaa la is yiri waxay musharraxiinta siinayaan iney dowladda kasbadaan”.

“Maanta waxay ahayd maalintii Koowaad oo Labo Group ayaan u qeybinnay, koox aroorta ah iyo koox gelinta dambe ah, kooxda aroortu si xushmad leh ayay u yimaaddeen halkii loogu talogalay, waxayna ahayd in Telefishinnada laga gudbiyo toos ah, waxaa nasoo xushmaday, mudane Bashiir Raage Shiiraar, Dr.Siciid Ciisa Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, C/raxmaan Maxamed Maxmuud Faroole, C/raxmaan Cabdi Shakuur, Saciid Cabdullaahi Dani, Dr.Cabdinaasir Cabdulle Maxmed, Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Eng.Cabdullaahi Cilmi Xasan, Sagaalkaas baa halkan yimid oo loogu talogalay iney maanta aroornimada ay halkan ka hadlaan, inta kalena galabta ayay ahayd iney yimaaddaan”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa uu sheegay in dooddii ay maanta u baaqatay arrimo farsamo iyo internet-ka oo u suurtogelin waayay in si toos ah doodda loo tabiyo:

“Markii aan barnaamijka galnay dhowr su’aaloodna aan is weyddiinnay ayaan ogaanney in Internet-ku aanuu lahayn awood ku filan inuu si toos ah wax u tabiyo, markaa waxaan is nidhi kol haddii macnuhu ahaa in toos lagu dubiyo oo dadweynuhu daawadaan maantana aaney suurtogal ahayn, mar haddii ay sidaa tahay waxaa go’aan sannahay inaan dib u dhigno, imaka waxaan gaadhnay inaan joojinno, wakhtigii baa nagu koobnaanaya, barri shaqo kale oo badan baan leennahay, waxay ahayd arrin tiknikal ah oo aan cidina shaqo ku lahay, sidaa darteed waxaan go’aan sannay arrintaa oo isku day wanaagsan ahayd inaan gabi ahaanba soo gabagabeynno oo ay halkaa ku ekaato”.

Xil.Dr. Cabdullaahi Ducaale Bayle ayaa musharraxiinta ballanqaaday in xayaysiin 5 daqiiqo ah oo uu kula hadlayo umaadda Soomaaliyeed looga sii dayn doono Telefishinka Qaranka iyadoo aan wax lacag ah lagu soo dallacayn, maalintiina 3 jeer oo kala duwan loo sii daynayo.

Maxamed Cali Amaarika ayaa tilmaamay in gelinka dambe maanta ay saxaafadda kula hadli doonaan magaalada Muqdisho iyaga oo ah musharraxiin dhowr ah, ayna shaacin doonaan arrintaan iyo qodobada kale ee ay ku diideen doodda.

Goobjoog News