U bood dhigaalka

Guddiga Soo Xulista Baarlamaanka 2-aad Ee Koonfur Galbeed Oo Sharraxay Shuruudaha Xildhibaanada Cusub

Sheeko:Baarlamaanka

Maxamed Keeroow Maxamed guddoomiyaha guddiga farsamada madaxa banaan ee soo xulista baarlamaanka 2-aad ee Koonfur galbeed oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu ka warbixiyay shurudaha looga baanahanyahay shaqsiga ka mid noqonaya baarlamaanka 2-aad ee maamulkaasi.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu tilmaamay in shaqsi kasta ay doonayaan in ay xaqiijiyeen in uu wax qori karo si la mid ahna uu wax aqrin karo.

Dhanka kale gudddomiyaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in 11-ka bisha iyo 19-ka bisha ay soo saarayaan xildhibaanada cusub ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga farsamada madaxa banaan ee soo xulista baarlamaanka 2-aad ee Koonfur galbeed ayaa sheegay in ay xalin doonaan dhamaan tabashooyinka deegaanadaasi ka jira.

Halkan ka dhageyso wareysiga guddoomiyaha

Goobjoog News