U bood dhigaalka

Guddiga Taakuleynta Ee Qaraxii Zoobe Oo Warbixin Soo Saaray

Sheeko:Dalka

Guddiga taakuleynta ee Qaraxii Zoobe (14 October) ayaa warbixin dheer kasoo saaray waxyaabihii ay qabteen, lacagaha baxay, kuwa la hayo, caqabadaha guddiga haysto iyo arrimo  kale oo isla howlaha guddiga un ku saabsan.

Xubnaha guddigan oo maaanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney isku dubarideen qorshe meelmar noqday oo uu uga jawaabayey khasaarihii ka dhashay qaraxii Zoobe.

Guddiga ayaa sheegay iney taakuleyn siiyeen qaar kamid ah dadkii ehladooda ku dhinteen qaraxii Zoobe, dadkii dhaawaca ahaa, dad muruqmaal ah iyo kuwo qaraxii Zoobe uu waxyeello u geystay.

Waxay sheegeen in guddiga ay soo gaartay lacag dhan $3,802,847.43 ay bixiyeen lacag dhan $1,374,441.87 halka ay taallo lacag dhan $2,427,500.56.

Dhanka kale, guddiga taakuleynta ee Qaraxii Zoobe ayaa sidoo kale muujiyey cabasho dhanka ammaankooda ah, xafiis ay ku shaqeeyaan oo aanay haysan iyo sidoo kale agabkii lagu fududeyn lahaa howlahooda shaqo.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddiga.

Goobjoog News

A1

A2

A3

A4

A5