U bood dhigaalka

Guddiga Warfaafinta oo Xildhibaanada u sharaxay Qodobada ay Wax Ka Badaleen ee Sharciga Saxaafadda, Kuna Dhiirigaliyay Meel Marintiisa

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga warfaafinta Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in ay qodob qodob uga doodeen hindise sharciyeedka Saxaafadda si waafaqsan qodobka 45aad faqraqdiisa 1aad, 2aad, 3aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka.

Qoraal loo qeybiyay Xildhibaanada, Guddiga ayaa intaa ku daray in ay eegeen dhanka nuxurka, siiqada iyo waafaqsanaanta dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka, iyagoo ku sameeyay wax ka badal, ku daris ama tirtirid qaar ka mid ah qodobada.

Qodobka Koobaad Guddigu waxaa ay tireen warbaahinta dadweynaha, Saxaafadda guud waxaa ay u badaleen warbaahinta qaranka.

Qodobka 3aad waxaa ay ku dareen faqrada 4aad, qodobka 4aad waxaa ay qeyb ka mid ah aheyd qodobka 3aad, Waxaa kaloo ay kusoo dareen qodobka shanaad oo qodob cusub ah.

Qodobada 8aad, 9aad, 10aad, 11aad, 12aad iyo 13aad ayaa noqonaya qodobkii shanaad oo la kala qaaday iyagoo tiray faqradihiisa 9aad iyo 10aad.

Qodobada 14aad iyo 15aad oo markoodii hore ahaa qodobka 6aad, guddiga Saxaafadda qaranka waxaa lagu badalay guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale lagu daray faqaraad cusub.

Qodobka 33aad oo markii hore ahaa qodobka 23aad waxaa isna laga tiray qaar ka tirsan faqaaraadkiisa, waxaa kaloo ay kusoo dareen qodobka 34aad oo ah khidmada lagu fiirsado TVga.

Guddiga Warfaafinta ayaa ka codsaday Xildhibaanada in sharcigan la marsiiyo Akhrinta 2aad iyo 3aad, lana meel mariyo si dadka looga faa’ideeyo.