U bood dhigaalka

Guddiga Xalinta Colaadda Gaalkacyo Oo Maanta Kulmaya

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kulan ku yeeshaan guddiga isku dhafka ah ee loogu talogalay iney xalliyaan colaadda magaaladaasi.

Wararka waxay sheegayaan in waxyaabaha maanta xoogga la saari doono ay ka mid tahay sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada Puntland iyo Galmudug ee weli isku horfadhiya Galbeedka Gaalkacyo.

Waxaa suurtagal ah in maantaba la kala qaado ciidamadan, maadaama qodobadii heshiiska ee Puntland iyo Galmudug ay arrintaasi ku jirto.

Waxgaradka gobolka Mudug ayaa iyaguna dhankooda waxay ka wadaan dedaallada lagu raadinayo nabadda magaalada Gaalkacyo.

11-kii bishan shir ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa la isku raacey Saddex qodob oo lagu xalinayo colaadda magaalada Gaalkacyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News