U bood dhigaalka

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dooraashooyinka Oo Baaq u Direy Siyaasiyiinta Iyo Shacabka

Sheeko:Dalka

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa farriin u direy siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed, taasi oo ku aadan abaarta ka jirta meelo badan oo dalka ah.

Guddoomiyaha guddigaasi C/risaaq Barre Jaamac oo la hadlay Goobjoog News ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta iney u gurmadaan shacabka ay abaartu la degtay.

Waxa uu si gaar ah guddoomiyaha farriin ugu direy siyaasiyiinta ku mashquulsan doorashada oo uu sheegay in laga doonayo in dhanka abaartana ay wax ka qabtaan.

“Aad iyo aad ayaan umadda Soomaaliyeed ugu baraarujineynaa in dadka Soomaalida ah ee aad u tabaaloobay loo gurmado, oonka iyo raashiin la’aanta hayso, waxaad moodaa in dadku aad mashquul ugu noqdeen doorashada, meeshaasina lagu iloobey dadka ku dhibban abaarta, Soomaalida inteeda badan ayeey abaarta saameysay, biyo la’aan baahsan baa jirta, dowlad xooggan oo dadka gacan siisana ma jirto, dadka Soomaaliyeed ee ganacsatada ugu horreyso waxaa looga baahan yahay iney u gurmadaan dadku abaarta hayso, warbaahinta Soomaalidana waxaan leeyahay idinkuna dadka baraarujiya” ayuu yiri gudoomiye C/risaaq.

Gobollo badan oo dalka ah abaarta ka jirta ayaa saameyn waxay ku yeelatay dadka iyo duunyada, welina ma muuqato gargaar rasmi ah oo dadkaasi lala gaarey.

Goobjoog News