U bood dhigaalka

Guddiga Xuduudaha, Federaalka Iyo Waxgarad Ku Kulmay Waqooyiga Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland waxaa gaaray guddiga xuduudaha iyo Federaalka, kuwaasi oo kulamo la qaatay maamulka iyo waxgaradka gobolka ee Puntland.

Kulamadaasi ayaa inta badan waxaa looga hadlayey sidii xal looga gaari lahaa arrimaha sohdinta ee u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug, oo sababay dirir soo noqnoqotay oo ka taagan Gaalkaacyo iyo deegaanno kale oo ka mid ah Galmudug.

Waxgaradkii kulanka la qaatey guddigan ayaa soo bandhigay qorshahooda ku aadan arrimaha sohdimaha ee u dhaxeeya Labada dhinac, waxayna sheegeen  in marnaba aanay suurta galeyn in ay wada noolaadaan Galmudug iyo Puntland.

“Gaalkacyo waxay kaga bedalantahay Soomaaaliya inteeda kale oo ula mid tahay sida Kashmir iyo Qubrus, xallinteeda waxay noqoneysaa in la raaco sohdimihii aynu lahayn oo ay kasoo gudbeen markii xornimada la qaatey, waxaad nooga gudbineysaan baarlamaanka cusub iyo  dowladda Federaalka inaan wada noolaan karin Koonfurta Gaalkacyo” sidaasi waxaa yiri mid ka mid waxgaradka Waqooyiga Gaalkacyo.

Qaar kale oo ka mid ah waxgaradkan ayaa sheegay in iyagu ay doonayaan wada noolaansho iyo nabad, sidaa darteedna muhiim tahay in qof walbo deegaankeeda ay joogto.

Xubnaha ka socda gudddiga xuduudaha iyo Federaalka ayaa sheegay inay wadaan kulamada ay la qaadanayaan waxgaradka Labada dhinac ee Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaa ka arrimiya Labo maamul, waxaana ay martigelisay dagaallo soo noqnoqday.

Goobjoog News