U bood dhigaalka

Guddiga Xuduudaha Iyo Federaalka: Heer Qaran Haloo Wajaho Darbiga Kenya Ka Dhiseyso Xuduudda

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Khaliif C/kariin Maxamed oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa ka hadlay waxa guddigiisa kala socdo darbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso xuduudda aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in awoodda guddiga aaney gaarsiisaneyn in la xisaabtan dhab ah la gasho dowladda Kenya oo hadda darbi dheer ka dhiseysa xuduudda Labada dhinac.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaaliya ayuu sheegay in looga baahan yahay in dowladda Kenya ay wada hadal dhab ah la galaan si looga arrinsado arrintaasi.

“Sanadkii 2015-kii waan tagnay meesha la dhisayo waa meesha Labadeena inoo dhaxeysa dhankeeda ayeey jeexday, waxay u baahan tahay arrintan heerqaran iyo qaab walba in la iska kaashado, la is weydiiyo waxa keenay darbiga, Ulajeedkiisa iyo sidoo kale dhibka uu inoo keeni karo, waxaa la rabaa in damac walbo looga hortago si qaanuuni ah”

Dhowaan war qoraal ah oo kasoo baxay Milatariga Kenya ayaa lagu sheegay in meel wanaagsan uu marayo dhismaha darbi ay ka dhisayaan xuduudda aan rasmiga ahayn ee ay la wadaagaan Soomaaliya.

Goobjoog News