U bood dhigaalka

Guddigii Doorashada Koonfur Galbeed Oo Isku Casilay Faragelinta Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Waxaa caawa Baydhabo isku casilay guddigii doorashada ee tartanka madaxtinnimada dowlad goboleedka koonfur galbeed kadib markii sida ay sheegeen dowladda dhexe faragelisay arrimaha doorashada, isla markaana carqaladeysay habsami u socodka qabsoomiyadda howlaha doorashada.

Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, afhayeenka guddiga Amin iyo xubno badan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay magaalada Muqdisho u soo kaxeysay xildhibaannadii dowlad goboleedka Koonfur galbeed, isla markaana ay murashaxiinta la’yihiiin cid ay u khudbeeyaan, oo barnaamijkooda la wadaagaan.

Xubnaha guddiga is-casilay waxaa ay Villa Somalia ku eedeeyeen fara-gelin, carqalad iyo inay dhibaato ku tahay doorasho ka dhacdo koonfur galbeed.

Warar ay Goobjoog News heshay ayaa sheegaya in xildhibaannada koonfur galbeed uu u yeeray guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal, arrintan oo wadatashi lagu sheegay ayaan laga heyn faahfaahin dheeraad ah, taasi oo caawa sabab u noqotay inay guddigii doorashada iscasilaan.

Goobjoog News