U bood dhigaalka

Guddiyada Dastuur Ee Baarlamaanka Iyo Midka Madaxabannaan Oo Qaadacay Shirka Wasaaradda Dastuurka

Sheeko:Baarlamaanka

Shir jaraa’id oo maanta ay Muqdisho ku qabteen guddiga madaxabanaan ee dib u eegista dastuurka iyo guddiga dastuurka ee baarlamaanka 10aad ayey ku sheegeen in ay qaadaceen ka qeyb-galka shirka dastuurka berri oo axad ah lagu waday in uu ka dhaco Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga dastuurka ee baarlamaanka 10aad Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in labada guddi ee kala ah: guddiga madaxabanaan ee dib u eegista dastuurka iyo guddiga dastuurka ee baarlamaanka 10aad aaney berri ka qeyb-geli-doonin shirka dastuurka ee Muqdisho.

Shirkan oo 2 maalin socon lahaa ayaa sidoo kale waxaa qaadacay maamul goboleedyada dalka ka jira, taasi oo dhaawici doonta qabsoomidda shirka.

Dhammaan hey’adaha qaadacay shirka waxaa ay ku doodayaan in shirkan ay wadato wasaaradda dastuurka, isla markaana aan laga talo-gelin dadka iyo hey’adaha ay khuseyso.

Dhanka kale, Ilo ku dhaw wasaaradda dastuurka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in shirka uu dhici-doono, isla markaana ay ka soo qeyb-gali-doonaan madaxda dowladda, bulshada rayidka ah iyo hey’ado kale oo lagu casuumay.

Goobjoog News