U bood dhigaalka

Guddiyada Doorashada Dadan  Iyo Ugaaska Beesha Jidle Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Doorashada Wasiir Nuux

Sheeko:Dalka

Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan inta doorashada la socota waxaa ay saaka ku waaberiisteen doorasho la sheegay in Maxamed Cabdulahi Xasan Nuux, wasiirka dhalinyarada iyo Sportiga magaalada Jowhar loogu doortay Xildhibaan federaalka.

Wararka waxaa ay sheegeen in muarshax Maxamed Cabdulahi Xasan Nuux uu helay 41 cod halka Hinda Cali Cumar oo la tartantay sida la sheegay ay heshay 11 cod.

Daqiiqado kadib doorashadaas, ugaas Cabdinasir Ugaas Nuure oo ah Ugaas beesha Jidle ayaa isagoo careysan la soo xiriiray Goobjoog News, Ugaas-ka waxaa uu sheegay in Nuux uu sharciga, guddiyadda doorashada iyo beesha Jidle intaba uu xoogay, doorashadiisana ay tahay mid xaaraan ah,  Wasiirka ayuu sheegay in  xilli dambe oo saq dhexe ah isku keenay ergo doorasho uu isaga soo xushay isla markaana abaabulay doorasho uu isaga ku soo baxay.

Ugaas Nuure waxaa uu intaa raaciyay in uu la hadlay guddoomiyeyasha  guddiyada doorashada dadban ee heer federal iyo heer gobol iyagoo Ugaas-ka u xaqiijiyay in aaney ka warqabin doorasho Xildhibaan loogu doortay Maxamed cabdulahi Nuux.

Dhinaca kale, Wasiirka Dhalinyarada iyo Sportiga Maxamed Cabdulahi Xasan Nuux aanu sidoo kale la xiriirney si uu uga jawaabo eedeynta Ugaas-ka beesha Jidle iyo doorashada uu xoog ku galay.

“Doorashadaas waan galnay, si wanaagsan bey noogu soo dhammaatay, dabcan doorashada iyo sidii ay u qabsoontay iyo natiijada waxaa ku shaqo leh guddiga doorashada, laakin ilahay mahadiis, doorashada si fiican ayey u dhacday” ayuu ku jawaabey Nuux

Mar aan weydiiney wasiirka sida uu u tartamayo xilli doorashada horay looga reebay, Nuux waxaa uu ku dooday in maxkamad uun ay tartanka doorashada ka reebi karto.

Goobjoog News waxaa ay sidoo kale la xiriirtay guddiga doorashada dadban ee heer federal si aan wax uga ogaanno go’aanka guddiga ee ku aadan doorashada Wasiirka dhalinyarada loogu doortay Xildhibaan federaalka ah.

Guddiga doorashada dadban ee heer federal waxaa ay Jawaabtooda ku sheegeen “Arrinta Nuux Qoraal ayaan horay uga soo saarney mar hore”.

Jawaab midaas la mid ah waxaa Goobjoog News siiyay guddiga doorashada dadban ee heer gobol, kuwaas oo sheegay in saaka aaney doorasho ka jirin maamulka Hirshabeelle.

Qoraal ay guddiga guddiga doorashada soo saareen December 7, 2016-kii ayaa murashax Maxamed Cabdulahi Xasan Nuux iyo Axmed Sheekh Nuur Cirro looga reebay tartanka Xildhibaannimo kadib markii lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen shaqaaqo ka dhacday xarunta doorashada Hirshabeelle November 18, 2016-ka.

Guddiga doorashada horay waxaa ay doorashada uga saareen wasiirka Petroolka Maxamed Mukhtaar Ibrahim oo lagu eedeeyay arrimo doorashada car-qaladeynaya, hadaba sidee guddiga ula dhaqmi doonaan Wasiir Nuux?

Goobjoog News,