U bood dhigaalka

Guddiyada Farsamo Ee Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo Kulmaya

Sheeko:Amniga

Waxaa saakay lagu wadaa in wadanka Jibouti ay markale ku kulmaan guddiyada farsamo ee wadahadallada Soomalaiya iyo Somaliland, si ay u gudo galaan howlihii loo idmaday.

Shirka ayaa lagu wadaa in hoggaamiyo wasiirka arrimaha dibadda dalka Jibouti Maxamuud Cali Yuusuf, oo dowladdiisu horay ugu dhawaaqday in ay ka go’an tahay in xal loo helo dhibaatada labada dhinac.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sidoo kale horay u sheegay in guddiga ay kulmi doonaan 14 maalin kadib, siloo dhameys tiro hirgelinta wixii horay loogu heshiiyey.

Guddiga maanta kulmaayo ayaa lgu wadaa in ay dabagalaan wixii horay labada dhinac ugu heshiiyeen, iyadoo 45 cisho ka dib laga sugaayo in ay warbixin u gudbiyaan guddiga wasiirrada ah ee labada dhinac sida horay loo xusay.

Goobjoog News