U bood dhigaalka

Guddiyada Joogtada Labada Gole Ee BFS Oo Kulan Wadajir Ah Ku Yeeshay Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan wadajir oo xalay magaaladda Muqdisho ay ku yeesheen guddiyadda joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si wadajir ah u shir Guddoomiyaha Guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Kulanka oo ay Sidoo kale ku sugnaayeen guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdi wali Sheekh Ibraahim “Muudey” iyo Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed “Abshir Bukhaari” waxa uu ahaa kulan lagusii amba qaadayay dar dar gelinta wada shaqeynta Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in la xaliyay kala aragti duwanaansho yar oo labada Aqal dhexdooda ka jirtay ,islamarkaana Guddiyada isku shaqada ah ee Baarlamaanka wada shaqeyntooda ay sii xoojin doonaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay labada aqal ay hal baarlamaan isku yihiin wada Shaqeyn joogta ahna ay ka dhaxeyso,sidoo kalena gudiyada joogtada ah loogu baahanyahay in ay sii xoojiyaan.

Goobjoog News