U bood dhigaalka

Guddomiyaha Baarlamaanka Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaarey Baydhabo

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta gaaray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayey.

Gudoomiye Jawaari iyo wafdigiisa ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka magaaladaasi, waxaana soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya oo halkaasi ku sugnaa.

Illaa iyo hadda guddoomiyaha saxaafadda ma aanu u sheegin ulajeedka socdaalkiisan balse warar madax bannaan ayaa sheegaya in uu kulamo  la qaadan doono waxgaradka ku sugan magaaladaasi.

Magaalada Baydhabo waxaa maalmahan dambe ku qulqulayey siyaasiyiin u sharaxan xildhibaannada baarlamaanka Federaalka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News