U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliland oo ka hadlay, Ammaanka, Diiwaangelinta Doorashooyinka iyo Afgambigii Dhicisoobay ee Dalka Turkiga

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadal jeedin ka sameeyay maanta xarunta baarlamaanka Somalialnd ayaa ka hadlay Ammaanka, diwaangelinta doorashooyinka iyo Inqilaabkii dhicisoobay ee dalka Turkiga.

Waxa uu ugu horreyn ka hadlay xaaladda ammaanka iyo dagaalada sokooye ee bariga Somaliland:

“Waxaa jirta colaado iska soo daba dhacaya barigaba ha u bateen, Illaahay waxaan ka baryanaa inuu inaga qaboojiyo danteenana uu na tuso, reer xudun heshiiye, tii Dharkeyn-Geenyona xabad joojin unbaa la sameeyay, wali wax maalmahan dhacay oo ina dhiba ma’aan maqleyn, Illahay taana Nabadeeda ha ina waafajiyo, waa inagii guddi dirnay ha noqoto golahan ama ha noqoto madax dhaqmeedyadii”.

Guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay guddigii golaha guurtida ee nabadeynta Dharkeyngeenyo iney si dhakhso ah ugu noqdaaan oo ay dhameystiraan heshiiskii beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamayay degaanada bariga Somaliland.

Dhanka kale, waxa uu ka hadlay in hadda ay socoto diiwaan gelintii, doorashaduna ay ku xigto, waxaanuu sheegay iney doonayaan inaan wakhtigeeda laga dib dhicin:

“Waxaa hadda inoo socota diiwaan gelintii, labo gobol iyo Buuhoodle ayaa harsanaa, doorashadiina taas unbay daba socotaa, waan maqlayaa xan badan, doorashadii la galimaayo, warkaa meelna kuma hayo horeyna waan u iri, madaxweynaha wey ka go’an tahay iney doorasho dhacdo, inaguna taas ayaan kula shaqeynaynaa”.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlayay afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga oo uu ku tilmamay mid cashar u ah, Somaliland iyo dunada inteeda kaleba:

“Dowlad weyn oo muslim ah oo dadkeeda wax u qabatay oo la jecel yahay ayaa koox yari ku kacday, dadweynihii waa diideen in dowladoodii ay koox yari ka qabsato  maalaayiin bay soo baxeen. Inagana cashar ha inoo ahaato, dunidoo dhanna waa u cashar, cidii wax la wadday nimankaana markii shacab weyne kacay ee ay dhaqaaqi waayeen meel qura oo dhiirigelin siisa waa la waayay”.

Guurtida Somaliland ayaa waxaa u furmay kalfadhiyadoodii caadiga ahaa, kadib fasaxii ciidda iyo bisha barakaysan ee Ramadaan oo usoo dhamaaday xubnaha golah.

 Goobjoog News