U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Dalka Dib ugu soo Laabtay Kadib Shirkii Qudus

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii dalka Turkiga uu kaga soo qeyb galay shir loogu magacdaray “Masjidul Qudus”kaasi oo looga hadlayay arrimaha Falastiiin iyo caasimadda Qudus.

Wafdiga uu Hoggaaminayay Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiye ku-xigeennada 1aad iyo 2aad ee golaha Abshir Maxamed Axmed iyo Mowliid Xuseen Guhaad  iyo xubno ka tirsan Golaha Aqalka sare.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo dhoweeyn ka dib wuxuu ka warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirkii uu kaga soo qeyb galay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga,wuxuuna sheegay in la isku afgartay in meesha laga sii amba qaado qodobadii muhiimka ahaa ee shirka ka soo baxay mudada uu socday.

Mudane Xaashi, wuxuu sheegay in Soomaaliya markasta ay taageersan tahay Shacabka Falastiiniyiinta,islamarkaana ay caasimadda Falastiin u aqoonsan yihiin iney tahay Qudus waligeedna ahaaneyso.

Shirkan oo ah kii Labaad oo looga hadlayo arrimaha Falastiin ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Baarlamaanka Turkiga,waxaana ka soo qeyb galay 70-Dowladood,kuwaasi oo dhammaantood aragti ka dhiibtay shirka.

Goobjoog News