U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Goobjoog News Uga Warammay Shaqada 5 Guddi Oo Goluhu Meelmariyey

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa ka hadlay shaqada ay qaban doonaa 5 guddi oo 25-kii bishan goluhu meelmariyey.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in guddiyadan oo kala ah guddiga Amniga, Guddiga Miisaaniyadda, Guddiga Shaqosiinta, Guddiga Xeer-hoosaadka, iyo guddiga Astaan sameynta Golaha Aqalka Sare dhammaantood ay yihiin kuwo KMG ah, islamarkaana ay shaqeyn doonaan oo kaliya 7 cisho.

“Markii naloo doortay guddoonka aqalka sare waxaynu is weydiinnay halkee wax ka bilownaa, marka waxaa goosannay inaan bal innagu guddoon ahaan is aragno oo talo is hoos dhigno, taladaas waxay noqotay inaan abuurno oo magacawno guddiyo ku meel gaara oo hawlaha nahoryaalla uu guddi waliba uu wax ka soo diyaariyo, guddiyadaasi waxay ahaayeen Shan, guddiga amniga oo aan rabno xaruntaan ee hadda aan joogno oo u baahan  in arrimaheeda nabadgely  iyadoo ha’dda nabad sugidda amniga aqalkaan iyo sanataradaba ay mas’uul ka yihiin, hadana maadaama guddiga ay golaha ku jiraan  dad aqoon fiican u leh amniga, ay ku jiraan Jeneraallo iyo korneyllo  guddigaas ayaan magacawnay oo Tadobo xubnood ka kooban, inkastoo Hal qof oo shacab ah uu ku jiro inay noo diyaariyaan amniga yacni sidey u arkaan usoo diyaariyaan kaasi waa guddi, guddiga Labaad waxaa waaye waa guddiga xeer hoosaadka oo ah xeerkii aan ku hawlgali lahayn   guddi noo diyaariya”

“Kan Saddexaad waxa waaye waa guddi maaliyadeed oo noo soo diyaariya  miisaaniyaddii aan ku shaqeyn lahayn, guddiga astaanta uu yeelanayo golahaan soo diyaariya marka guddiyadaas iyo guddi soo diyaariya qaabkii aan u qaadan lahayn shaqaale iyo tiro shaqaale iyo baahideenna qaabkii noqonayso ayaan diyaarinnay Shantaas guddi waynu sameynnay, waxaa kaloo noo raacaya oo taladii shalay kasoo baxday guddi qorsheyn, qorshaha xagee aadeynaa, sidee wax u qabanaynaa illeen qorsho la’aan  shaqo masoconeyso, marka Lixdaas guddi ayaanu sameynay, waxaa ku rajo weynnahay inay guddiyadaas ay soo diyaarinayaan hawlaha oo kolkaas ay noo keenayaan isbuuc gudihiis qolada ugu dambeysa waxaa ka rabnaa in Todobo cisho ay ku soo dhameeyaan iyo wixii ka horreeya kadibna marka aan aqalka hor dhigno  waxay soo diyaariyeen oo aqalka uu go’aamiyo ka dibna aan sidaas ku hawlgalno”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watey ayaa yiri “Guddiyadaan waa ku meel gaar waxaa waaye waxaa ka rabnaa waa isbuucaas oo Todobo cisho gudahood ay ku soo dhameeyaan, kadib kolka la sameeyo xeer hoosaadka guddiyadii rasmiga ahaa oo shaqada wadi lahaa ayaa sameysmi doona yacni Afarta sano ee aqalku jiro guddiyadii hawlaha wadi lahaa ayaa sameysmi doona, guddiyadaan waxaa sameeyay guddoonka aqalka oo dabcan dadka way kala duwanyihiin, laakiin aqoonta iyo xirfadaha ayaan ku salaynay waana ka ansixinnay marka aqalka ayaa ansixiyay” ayuu yiri guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka oo wareysi siiyey Goobjoog News.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa dhanka kale ka hadlay abaarta dalka ka jirta waxaana uu ku baaqay in loo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaarta ku hayso gobollada dalka.

“Ugu dambeyn waxaan ilaahay ka baryayaa inuu naga dulqaado abaartaan nagu dabo dheeraatay ee dalkoo dhan saameysay dadweynahana dhib ku haysa, waxaan usoo jeedinayaa  dadka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan in arrintaa qof waliba inta tabartiisa iyo taagtiisa inuu kaalin ka qaato oo dadkeena abaartaan ku habsatay sida inta nool uga badbaadin lahayn inay abaar u dhintaan, xoolihii waxaan filayaa inay hadda dhamaadeen, laakiin wixii yar oo jira in la badbaadiyo ayaa muhiim ah, xooluhu hadday jiraan way iska tarmayaan kolka dadweynaha Soomaaliyeed ilaahay inuu ka saaro dhibaatada ayaan ayaa rajeynayaa, dadka Soomaaliyeedna inay wax is taraan oo iskaalmeeyaan  oo gacan isasiiyaan oo qofkii wax haysta uu walaalkiis uu ka badbaadiyo maanta abaartaas ayaan ku boorinayaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Goobjoog News