U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Hoggaaminaya Wafdiga Soomaaliya uga Qeyb-galaya Shirka Guddoonnada Baarlamaannada Adduunka.

Sheeko:Dalka

Wafdi heer sare ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka qayb galay shirka midowga Baarlamaannada Adduunka ayaa shalay ka qayb-galay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen Guddoonnada Baarlamaannada Adduunka oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Kulanka waxaa kasoo qayb-galay in ka badan 40 Guddoomiye Baarlamaan, iyada oo uu kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shuurada Dowladda Qatar M.ne Axmed Bin Sayid Al-Maxamuud iyo Guddoomiyaha Midowga Baarlamaannada Adduunka Marwo Gabriela Barron.

Kulankan waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo wax ku ool ah oo ku saabsan kaalinta goleyaasha Baarlamaanku ku leeyihiin horumarinta Dimiqoraadiyadda iyo caqabadaha hortaagan dhaqan gelinta nidaamka Dimoqoraadiga.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo gaargaar ah laqaatay qaar kamid ah Guddoonada dalalka kasoo qeyb galay shirkaas.

kulamada oo soo bilowdey 4tii bishan ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo 10-ka bisha.