U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha golaha aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay u qeybsanaha gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira dhinaca dembiyada jinsiga Pramila Patten.

Sidoo kale waxaana kulanka ku sugnaa guddoomiye ku-xigeenka Labaad golaha aqalka, Guddiga Garsoorka, arrimaha diinta owqaafta iyo xuquuqul insaanka haweenka iyo caruurta golaha aqalka sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale  markuu soo gaba gaboobay ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Sen. Samsam Ibraahin Cali oo ka mid ah guddiga xuquuql insaanka golaha aqalka sare, waxayna sheegtay in wafdiga ay hoggaaminaysay Pramila Patten ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira dhinaca dembiyada jinsiga ay wada qaateen kulan, islamarkaana ay isla meel dhigeen ka hor-tagga dembiyada jinsiga la xiriira.

Wafdigaan ayaa wada kulamo uu la qaadanayo madaxda dalka iyo Hay’addaha ka shaqeeya Xaquuqul Insaanka.

Goobjoog News