U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Aqalka sare oo u Hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Puntland

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa u hambalyeeyay C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland.

Mudane, Cabdi Xaashi, ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna Alle uga baryay inuu xilkiisa ku dhammaysto wanaag, isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu dumi lahaa Dadka uu matalo.

C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa helay codad gaaraya 43, halka murashixii la tartamayay ee Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed uu helay 23 Cod, waxaana imminka socda doorashada ku xigeennadiisa.

Waxaa isna guddoomiye ku-xigeenka 1aad loo doortay Cabdi Casis Cabdullahi Cusmaan, oo kaas wareegga 2aad helay 38 cod halka Cabdixakim oo la tartamayey uu helay 14, ninka dambe waxaa uu ka tanaasulay inuu tartamo wareegga 3aad.

Goobjoog News