U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Ka Hadlay Arrimo Ay Isla Meel Dhigeen Baarlamaanka Federaalka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxa uu dib ugu laabtay Galmudug, isagoo howl shaqo u joogay magaalada Muqdisho, oo uu kaga qeyb galayey shirkii 15 Febraayo ee warbixintii guddiga baarlamaanka ee dib u eegista dastuurka.

Intaa ka dib waxaa u bilowday shir weyn oo ay lahaayeen guddoomiyeyaasha maamul goboleedyada dalka oo looga xaajoonayey sida looga tala gelin karo baarlamaanada maamul goboleedyada dalka arrimaha wax ka bedelka dastuurka iyo dib u eegistiisa.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhawaan dastuurka loo soo bandhigi doono bulshada arrintaasna ay ka wada shaqeynayaan baarlamaannada maamul goboleedyada iyo kan federaalka.

Waxa uu xusay in uu ka soo baxay mugdi fara badan oo ay aaminsanayeen in shisheeye madaxda  Soomaalida wax u yeerinayo oo la leeyahay sidaa sameeya iyaguna aaney lahayn fikradaha ay inta badan ku shaqeeyaan.

Waxa uu yir;” waxaan isku afgaranay in ummadda Soomaaliyeed isku si loogu shaqeeyo, iyo in ummadda khilaafka iyo kala duwanaashiyaha laga bixiyo, si la iskula jaanqaado mustaqbalka soo socda”.

Dhawaan ayaa la filayaa in guddiga dastuurka ee baarlamaanka oo ay la socdaan xildhibaanada degaanada in ay safar ku tagaan muumullada dalka si ay u bilaabaan wadatashiga arrimaha wax ka bedelka dastuurka, oo la doonayo in talada maamullada dalka lagu soo lifaaqo warbixinta ugu danbeysa ee guddiga dastuurku uu baarlamaanka hore u geyn doono.