U bood dhigaalka

Xildhibaanno Mooshin Ka Gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

34 Xildhibaan Oo Mooshin Ka Dhan Ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Gudbiyay

Xildhibaanno ka tirsan maamulka Galmudug ayaa maanta gudbiyay mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi.

Xildhibaanno gaaraya 34 mudane ayaa maanta gudbiyay mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Mudanayaal ku sugan magaalada Cadaado oo ka qeyb galay kulankii maanta ka dhacay magaaladaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in guddoomiyaha lagu eedeynayo dhowr qodob sidaasna ay keentay gudbinta mooshinka.

Qaar kamid ah baarlamaanka Galmudug ayaa guddoomiye Cali Gacal Casir ku eedeynaya inuu ka gaabiyay hore u socoshada shirarka baarlamaanka, ku xadgudbid dastuurka Galmudug iyo sidoo kale in uu qabiileeyay guddiyada baarlamaanka qaarkood.

Mooshinkani waxaa maanta qabtay guddoomiye xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo sheegay in si sharci ah uu soo maray mooshinka ay soo gudbiyeen mudanayaasha baarlamaanka Galmudug.

Cali Casir ayaa horey u diiday qabashada mooshinka isaga ka dhanka ah sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen xildhibaanno ka tirsan Galmudug.

Goobjoog News