U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Sheegay In La Fasaxay Xildhibaannada

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa ku dhawaaqay in 24-ka bishaan oo maanta ku asteysan uu xiran yahay kala fadhiga 2-aad ee baarlamaanka Galmudug.

Wuxuu sheegay in la soo xirey kala fadhiga 2-aad islamarkaana la isku soo laaban doono sanadka soo socda oo uu furmi doono kala fadhiga 3-aad ee baarlamaanka.

Guddoomiye Gacal Casir ayaa sheegay in magaalada Cadaado ay ka jiraan howlaha doorashada baarlamaanka dowladda aqalka hoose sidaa daraadeedna shirka xildhibaannada Galmudug dib loo dhigay.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka bishan Octobar waxaa guddoonka isla soo garanay in baarlamaanka la siiyo fasaxiisa islamarkaana shirka dib loo furi doono sanadka cusub, baarlamaanku fasax wali ma gelin maadaama doorashooyin ay jiraan waxaan xirnay kala fadhiga labaad ee baarlamaanka” ayuu yiri Cali Gacal Casir.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ka hadlay colaadda weli ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in dagaallada Gaalkacyo ay yihiin nasiib darro islamarkaana ay codsanayaan in xabadda la joojiyo.

Hadalka MR. Casir ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta qaar kamid ah mudanayaasha Galmudug ay ka gudbiyeen mooshin isaga ka dhan ah iyagoo ku eedeynaya qodobo ay kamid yihiin inuu ku tuntay dastuurka iyo in uu diiday la xisaabtan lala sameeyo xukuumadda Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Goobjoog News