U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Oo Codsaday In Maamulka Amniga Laga Taageero

Sheeko:Dalka, War

Cismaan Barre Maxamed, guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho ayaa sheegay in mas’uuliyiin dowladda iyo hay’ado caalami ah uu kala hadlay arrimaha maamulka.

Cismaan Barre Maxamed, ayaa Goobjoog News u sheegay in magaalada Muqdisho ay kula kulmeen madaxd ka tirsan dowladda federaalka, kuwaas oo ay kala hadleen baahiyaha dhanka ammaanka iyo nolosha ee ka jira maamulkaasi.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradaha amniga shaqada ku leh ay kala hadleen xaaladda ammaan ee gobollada Hiiraan iyo Sh/ dhexe oo uu tilmaamay in ay u baahan-tahay wax ka qabasho rasmi ah.

Barre waxaa uu kaga hadlay sidoo kale waresigaan uu siiyay Goobjoog News xaaladaha ka taagan deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Hirshabelle waxaa uuna yiri .

“Waxaan halkaan u imid howlo shaqo, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa labadiisa gole ka horjeediyey in Hirshabelle ay baahantahay oo ay ka jiraan abaaro iyo amni darro, waxaan kulan la yeeshay ra’iisulwasaaraha Soomaaliya iyo guddiga amniga qaranka warbixnna waan u gudbiyey, hay’adaha Soomaaliya ka taakuleeya dhanka amniga iyagana waan la kulannay “.

Goobjoog News