U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Oo Ka Warbixiyey Nabadeyn Laga Dhex Wado Beello Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabelle, Cismaan Barre oo wareysi siiyey Goobjoog, ayaa ka warbixiyey dedaallo lagu doonayo in lagu xalliyo beello walaalo ah oo ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka la kala dhexdhigay beellihii ku dagaallamay deegaannada ku dhow degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Maamulkooda ayuu sheegay in dedaal ku bixinayo sidii loo dhammeyn lahaa colaaddan, islamarkaana haatan halkaasi ku sugan yahay guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Cismaan ayaa ugu baaqay waxgaradka gobolka Hiiraan iney kaalin mug leh ka qaataan xallinta arrintan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News