U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari oo Booliiska Uga Digey In Ay Siyaasadda Ku Lug Yeeshaan

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa markii koowaad la kulmey taliyeyaasha booliiska gobolada oo uu hoggaaminayo tliyaha booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Guddoomiyaha ayaa ka taliyeyaasha ka dhageystey warbixin la xiriirta xaaladda amni ee dalka ka jirta, dadaalada ay wadaan iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan.

Intaasi kadib Jawaari ayaa bogaadiyey ciidamada booliiska oo uu ku ammaanay shaqada adag ee ay hayaan iyo duruufaha adage ee ay ku shaqeeyaan, balse waxa uu ciidamada oga digey in ay ku dhex milmaan siyaasadaha is diidan ee dalka ka jiraa, wuxuuna kula dardaarmay in ay si midnimo ku shaqeeyaan.

Goobjoog News