U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Ka Hadlay Mooshin Laga Keeney Gaas

Sheeko:Dalka

Siciid Xasan ShireGuddoomiyaha baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa ka hadlay xildhibaano la sheegey in ay mooshin ka keeneen madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Gaas.

Guddoomiyaha ayaa sheegey in xildhibaanada keeney mooshinka aysan tiradoodu gaareynin 17, kadib markii sida uu sheegey 6 ka mid ah ay ka laabteen mooshinka, 2 kalana uusan saxiixooda ka muuqan waraaqda.

Sidaasi darteed waxa uu sheegey in sida uu qabo dastuurka aysan suurogal ahayn in la qabto kulan baarlamaanka oo codka kalsoonida madaxweynaha baarlamaanka loogu weeydiinayo. Maadaamaa tiradii ku filneyd oo xildhibaano ah aysan keenin mooshinka.

Waa markii ugu horeysey oo mooshin laga keeno madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas.

Goobjoog News