U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Dalka Kuwait (Sawirro)

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo dalka Masar uga qeybgalay shirka madaxda Baarlamaannada dowladaha Carabta ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalka Kuwait.

Kulankan oo ka dhacay qasriga Neyl ee uu Guddoomiye Jawaari ka degan yahay magaalada Qaahira ayey labada Guddoomiye Baarlamaan uga wada hadleen xiriir, iskaashi iyo wada shaqeyn dhex marta Baarlamaannada Soomaaliya iyo Kuwait.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Kuwait Marzouq Ali Alghanim oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey guullihii ugu dambeeyey ee uu ku tallaabsaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaanna dhinaca sharci dejinta oo ah shuruucdii ugu dambeysay ee uu Baarlamaanka ansixiyey sida sharciga maalgashiga shisheeye iyo ka hortaga lacag dhaqidda waxaana uu dhankiisa sheegay in uu diyaar u yahay abuurista iskaashi iyo wada shaqeyn ay yeeshaan labada Baarlamaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”oo isna ugu dambeyn kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa tilmaamay in uu diyaar u yahay wada shaqeyn iyo iskaashi uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la yeesho Baarlamaanka dalka Kuwait, sidoo kalena waxa uu uga mahad celiyey bogaadinta loo sameeyey Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Guddoomiye Baarlamaan ayaa qalinka ku wada dugay wada shaqeyn iyo wax wada qabsi waxaana uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ka guddoomay Guddoomiyaha Baarlamaanka Kuwait Marzouq Ali Alghanim casuumaad loo fidiyey ayadoo si loo dhaqan geliyo waxyaabihii lagu ballamayna ay dhowaan wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya booqasho ku tegi doonaan dalka Kuwait.

MUS_6007 MUS_5998 MUS_6014

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka