U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga Oo Sheegay In Dastuurka Soo Socda ee Dalkaasi Laga Gudbi Doona Calmaanidda iyo Mucaaradka Oo Dhaleeceeyay

Sheeko:Dalka

Ismaaciil Kahramaan oo ah ra’iisul baarlamaanka dalka Turkiga ayaa sheegay In Dastuurka Soo Socda ee Dalkaasi Laga Gudbi Doona Calmaanidda, oo lagu dhaqmi doono diinta islaamka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga oo shir jaraa’id ku qabtay Istanbul ayaa isweydiiyay sababta Turkiga ka hortaagan in ay u laabato diinta Islaamka, isagoo intaa raaciyay in Turkiga ay Muslimiin yihiin, sidaa darteedna ay habboon tahay in dastuurkooda uu ahaado diinta islaamka.

Hadalka  ra’iisul baarlamaanka waxaa dhaleeceeyay dadka loo yaqaano Kamaaliyiinta ee aaminsan calmaaniyadda iyo hogaamiyihii hore Mustafa Kemal Atatürk.

Mucaaradka dalka Turkiga ayaa xisbiga cadaaladda iyo horumarinta ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ku tuhunsan in Erdoğan iyo kooxdiisa ay doonayaan ka taqalusidda Calmaaniyadda dalkaasi tan iyo markii ay xukunka qabsadeen 2002-dii.

In kasta oo Ciidamada dalkaasi ay marar badan beeniyeen in ay damacsan yihiin Inqilaab ka dhan ah Recep Tayyip Erdoğan hadana dadka la socda siyaasadda Turkiga arrintaas shaki ayey ka qabaan.

Dalka Turkiga waxaa ay Ciidamada ka geysteen ilaa 3 Inqilaab oo kala ahaa 1960-kii, 1971-dii iyo 1980-kii, waxaa ka mid ahaa Macallinkii Recep Tayyip Erdoğan ee Necmettin Erbakan.

Goobjoog News